Landesportal Schleswig-Holstein

Diese Webseite verwendet Cookies und das Webanalyse-Tool Piwik. Wenn Sie durch unsere Seiten surfen, erklären Sie sich hiermit einverstanden. Eine Widerspruchsmöglichkeit gibt es hier.

Landesamt für soziale Dienste

© R. Seeberg / grafikfoto.de

Ilaalinta dumarka galmada ka ganacsada

Is diiwaangelinta ka gancsiga galmada waxaa u xilsaaran „das Landesamt für soziale Dienste Schleswig-Holstein (LAsD) in Neumünster“ (Xafiis dawladeedka gobolka Schleswig-Holstein oo u xil saaran addeega bulshada oo ku yaala magaalada Neumünster), waxaa loola jeedaa habka codsiga iyo macluumaadka la xiriira iyo wada hadalada talo bixinta ee gobolka Schleswig-Holstein. Soo saarida warqada cadaynaysa isdiiwaangelinta waxii ka biloowdo 03.07.2017 waxaa keliya oo lagu heli karaa in balan telefoon ah ama mid e-mail lagu codsado. Mustaqbalka balamada waxaa lagu bixinaayaa online.

Hadii ay dhibaato timaado markii balanta la samaysanaayo, waxaa qasaare ah ma gaarayso shakhsiyaadka ay qusayso.

Is diiwaangelinta kharash kuma baxayso.

Waa in lasoo qaato:

  • 2 Sawir
  • Warqada aqoonsiga, Baasaboor, Baasaboor ku meel gar ah ama warqada aqoonsiga oo ku meel gaar ah.
  • Shakhsiyaadka ajnabiga ah, oo aan si toos jarmalka u degi karin: Cadaynta ogolaashaha shaqada ama ogolaashaha shaqada iskii u shaqaystaha.

Hadii aa codsato waxaa suurtogal ah in isdiiwaangelinta, talo bixinta ama xafiisyada kale ee dawlada uu kuu raaco qof ka socdo hay´ad talobixin oo aan dawli ahayn

Balamo wadohadal talo bixin ah iyo habka isdiiwaangelinta waxaa la samaysan karaa waxii ka biloowdo 03.07.2017 e-mail termin.pschg@lasd.landsh.de ama telefoon lambar 04321/913-885, -886 iyo -887.